Saturday, May 9, 2026
29.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay Kulankii Xildhibaannada Labada Aqal ay maanta ku yeesheen Muqdisho?

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Arbacadii maanta kulankoodii saddexaad ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Wuxuu kooramka kulankii maanta uu ku furmay 186 mudane, waxaana si wadajira u hoggaaminaayay Guddoonada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa ah ansixinta ajandaha iyo habraaca asnsixinta ee dib u eegista Dastuurka qabyo qoraalka Dastuurka Kumeel gaarka ah.

Kulankan ayaa waxaa ka soo muuqday Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo ah Mudane Golaha Shacabka ka tirsan.

Sidoo kale, Xildhibaanada Labada Aqal ayaa maanta waxaa loo qaybiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, oo ay soo diyaariyeen Guddiga Diyaarinta ee Sharciga Doorashooyinka, oo 15 xubnood ka kooban.

Ugu dambeyn, xildhibaanada Labada Aqal ayaa waxay fursad u haystaan muddo laba cisho ah oo ay sharcigaas ku soo akhrisan karaan, ka dibna ay ku soo celiyaan Guddoonka Baarlamaanka, si Xildhibaanada loogu horkeeno, ka dibna ay u ansixiyan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...