Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

5 Milyan oo la dul dhigay madaxa sarkaal Al-Shabaab ah oo u dhashay Mareykanka (Ogow Magaciisa)

Muqdisho  (Halqaran.com) – Mareykanka ayaa shaaciyay lacag fara badan uu dul dhigay madaxa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo u dhashay dalka Mareykanka.

FBI-da Mareykanka, ayaa sheegtay inay doonayso xog ku saabsan Jehad Serwan Mostafa oo xubnaha Ajaanibta ugu fir fircoon ee Shabaab ka mid ah.

Jehad Serwan Mostafa ayey dowladda Mareykanka sheegtay in uu yahay qofka u dhashay Mareykanka ee ugu sarreeya Al-Qaacidda gaar ahaanna Al-shabaab dhexdeeda.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2006 dii lana dagaallamay Ciidamadii Itoobiya ee isla sanadkaas faragelinta ku sameeyay Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu noqday madaxa Ajaanibta Al-Shabaab, madaxa qaraxyada Al-shabaab, tababare sare oo ka tirsan AL-shabaab iyo madaxa warbaahinta ee AL-shabaab.

Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasaaradda caddaaladda iyo FBI-da Mareykanka ayaa ka dalbaday dadka hela xogta Jehad Serwan Mostafa in ay la xiriiraan Qunsuliyadda Mareykanka ama Xafiiska FBI-da Mareykanka ee ugu dhow si ay u gudbiyaan xogtiisa.

Ciddii keenta war iyo wacaal ku aadan ninkaasi, suurtagelin karana in lagu soo qabto amaba lagu qaarajiyo la siin doono adduun lacageed oo dhan shan malyan oo dollarka Mareykanka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...