Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda XF Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan oo ka duuleya dhiirgalinta maalgashiga shisheeye ee dalka ayaa is afgarad la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang Liang kaas oo ay shirkaddu ku maal galinayso kalluumeysiga dalka.
Heshiiskan oo ah is-faham laba dhinac leh, islamarkaana waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa dhigaya in shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, inay maalgalin xoogan ku sameyso wax soo saarka kalluunka Tuunaha kaasoo ah kalluun xilliyeed guur guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta hindiya iyo in Maraakiibta shirkadda la siiyo ruqsado kalluumeysi iyadaoo loo marayo habraacyada sharci ee kalluumeysiga dalka.
Munaasabadda saxiixa Xaflada heshiiska oo ay goob joogayaal caalimi ah, khuburo kalluumeysi iyo wakiilada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding(group) co.ltd ka soo qeybgaleen ayaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysigu faah faahin ka bixiyey muhiimada uu dalkeena u leeyahay iskaashiga noocan oo kale ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha dalkeenu uu ka mid yahay tiirarka ugu horreeya ee qorshaha xukuumadda Dan Qaran iyo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo kalluumeysiga sharci darrada ah, isagoo diginin ah u diray dalalka ay maraakiibtoodu sifada aan sharciga ahayn ku soo galaan biyaha dalkeena gaar ahaan maraakiib jiriif ah oo waxyeelo wayn u geysta degaan badeedka iyo xeebaha dalkeena.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





