Friday, August 7, 2026
26.7 C
Mogadishu

WAR CUSUB: Boqortooyada Sacuudiga oo war ka soo saartay XAJKA Sanadkan

Riyad (Halqaran.com) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka codsatay dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida in ay dulqaad muujiyaan islamarkana ay dib u dhigtaan qorshahooda Xajka iyo Cumrada ee sanadkan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Corona awgii ay tahay in Musliminta ay dib u dhigtaan qorshooyiinkooda Xajka.

Wasiirka arrimaha Xajka iyo Cumrada, Dr. Maxammad Saleh bin Taher Benten, ayaa sheegay in Sacuudiga ay mar walba diyaar u yihiin inay qaabilaan islamarkana ay u adeegaan Xujeyda, balse iminka mudnaanta la siinayo badqabka qof walba.

“Sacuudi Carabiya ayaa imika daryeel siinaysa 1,200 oo qof uu cumara u tagay kuwaasi oo aan dalkoodii u laaban karin, sidoo kale waxaan lacagaha u celinaynaa dadka la siiyay dal ku-galka Cumrada, balse aan cumraysan,” Benten ayaa sidaasi u sheegay telefishinka al-Ekhbariyah.

Xukuumadda Sacuudiga ayaa horey u joojisay in lagu dhawaafo Xajarul Aswadka, iyada oo laga cabsi qabo faafidda caabuqa Corona.

Xajka ayaa ka mid ah 5-ta tiir ee Islaamka islamarkana laga rabo qof walba oo Muslim ah oo dhaqaala ahaan awooda in uu hal mar soo Xajiyo.

Xigasho – BBC

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...