Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

VIDEO: Guddoomiye Cabdi Xaashi & Boqor Buur-madow oo War xasaasi ah ka soo saaray Doorashada Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Boqor Cusman Aw Maxamuud Buurmadoow oo ay garab taagnaayeen Siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa Jimcihii maanta sheegay inay isaga baxeen doorashada Soomaaliya, iyagoo xusay sababta ku kaliftay arrintaas.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ku baaqay in la joojiyo Jadwalka Doorashada Reer Waqooyiga ee dhawaan la soo saaray, isaga oo sheegay in boob lagu haayo.

Mr Xaashi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in doorashada loo qabto si la isla ogyahay, sidoo kalena uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha iyo dadka ku howlan wadida doorashada inay jooniyaan.

Dhinaca kale, Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa dhankiisa sheegay in ay ka  baxeen doorashada Soomaaliya, ayna u cadedeynayaan Beesha Caalamka in Ra’iisul Wasaaraha uu faragelin iyo boob ku haayo doorashada.

“Waan ka baxnay doorashada waxaan halkaan isugu nimid in aan u caddeyno Beesha caalamka iyo Soomaaliba’ Marka aan garan wayne cid aan kaga Dacwoona Ra’iisul wasaaraha Beeshiisa Habargidir Xitaa waan ugu dacwoonay‘‘ ayuu yiri ku yir Shir jaraa‘id Boqor Buurmadow.

Weli wax war ah ka soo bixin xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Rooble oo ku aadan eedeynta loo soo jeediyay.

DAAWO SHIRKA JARAA’ID OO DHAMMEYSTIRAN:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...