Saturday, May 2, 2026
28.1 C
Mogadishu

Sawirro:-Wasiir Cawad Oo Kulan La Qaatay Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya

Mogdisho (Halqaran.com)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Muqdisho , Safiirka U addeegaha labada xaram ee sharafta leh u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Mohammed bin Abdulghani Khayat

Intii qaabilaadda lagu guda jiray ayaa waxaa laga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo midka walaalnimo ee salka adag leh ee u dhexeeya madaxda iyo shacabka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii looga shaqeyn lahaa horumarinta wax wadaag xooggan oo wax ku ool ah oo ku saabsan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saarray ka wada hadalka arrimo badan oo khuseeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ku qotoma xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...