Friday, May 1, 2026
27 C
Mogadishu

RW Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Norway oo ka hadlay xakameynta Coronavirus (COVID-19)

Muqdisho  (Halqaran.com) –  Ra’iisul Wasaaraha JF Soomaaliy,a mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Soreide oo maanta yeeshay kulanka dhanka internet-ka ah (video conference), ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dowladood, dadaallada lagu xakameynayo COVID-19 iyo arrima kale oo muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha Jahuuriyadda oo dowladda Norwey uga mahad celiyay taageerada hanaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo gaaritaanka Barta Go’aanka (decision Point), ayaa caddeeyay in dowladdu sii wadeyso dadaallada deyn nadiifinta inta laga gaarayo Barta dhammaadka (completion point).

Ine Eriksen Soreide oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu habmalyeysay guusha uga soo hoyatay dadaalladii deyn cafinta ayaa ballan qaaday in dowladda Norway ay sii wadeyso garab istaagga dowladda, si loo dhammeystiro geeddi socodka soo kabashada iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Norway ayaa qayb ka ah waddamada dowladda Soomaaliya ka taageera nabadayta, xasiloonida iyo barnaamijyada horumarinta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...