Saturday, May 2, 2026
28.5 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Soo Xiray Shirka Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Gobaleed

Mogdisho (Halqaran.com)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shirka agaasimayaasha guud ee wasaarahada heer federaalka iyo heer dowlad gobaleed oo Muqdisho ka socday intii u dhexeysay Aktoobar 22-26, 2019.

Shirka oo ahaa kii ugu horreeyay ee agaasimayaasha guud isugu yimaadaan ayaa dib loogu eegay guulihii ay gaareen dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah iyo caqabadihii lala kulmay intii lagu guda jiray dhaqan gelinta ajandayaasha iyo qorshe howleedka dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay agaasimayaasha guud shaqada ballaaran ee ay qabteen maalmihii ay u fadhiyeen shirka ay dib ugu eegayeen wixii qabsoomay, ugana tashanayeen qorshayaasha wasaaraha ee hor-tebinta leh, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda horumarinta qaranka.

Shirka ay yeesheen agaasimayaasha guud ayaa gogol xaar u noqonaya sare u qaadidda wadashaqeynta dhaw ee ka dhexeysa agaasimayaasha guud ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed oo qayb weyn ka qaadaneysa horumarinta adeegyada dowladdu u qabato shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...