Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergayga Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa ka wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaaliya. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay, madaxweynuhu in la sii amba-qaadi doono,lana horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna.

Danjire Annette Weber ayaa ah mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara dalkeenna tan iyo burburkii kaddib, taas oo muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...