Madaxweyne Uhuru Kenyata oo shaaca ka qaaday in askartooda ka bixi doonin Soomaaliya ilaa Al-Shabaab is-dhiibaan + (Ogow Sababta)!

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamada qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Kenya eysan ka bixi doonin gudaha dalka Soomaaliya ilaa inta ay ku guuleesanayaan dagaalka ay kulajiraan Al-Shabaab.

Sida uu qorshuhu ahaa ciidamadda Kenya ayaa la qorsheenayay iney kabaxaan gudaha dalka Somalia sanadda 2021 iyaga oo amniga goobaha ay kusuganyihiin la filayay iney ku wareejiyaan ciidamadda xooga dalka Somaaliyeed.

Laakin hadal kasoo baxay madaxweynaha dalka Kenya uhuru kenyata maalinimaddii arbacada aheyda ayuu ku sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Somalia aysan ka bixi doonin gudaha dalka Somalia ilaa inta ey ka adkaanayaan dagaalyahadana alshabaab oo dagaal kala soo horjeeda ciidamada amisom iyo kuwa dowlada federaalka Somalia.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamadda Kenya eysan ka bixi doonin gudaha dalka Somalia iyada oo aan lahelin nabad iyo daganaasho ka hanaaqadda gudaha dalka Somalia.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Kenya ayaa kusoo beegmaya iyadoo alshabaab ey kordhiyeen weerada iyo dagaaaladda ey kulajiraan ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa amisom kuwaasi oo ey la beegsanayaan saldhigyada ey ciidamada amisom iyo kuwa dowlada kuleeyihiin gudaha Somalia.

Weerarki u danbeeyay alshabaab wax ey kuqaadeen hotel kuyaalla amagalada kismaayo weerarkaasi oo ey kudhinteen inkabadan 26 qofood oo ey kujiraan shaqsiyaaad ajnabi ah.

“Ciidamada difaaca ee dowladda Kenya waxa ey sii wadi doonaan doorkooda nabad ilaalinta ee heer gobol iyo heer caalami kuwaasi oo taagaraya ciidamada amaanka Somalia si loo xasiliyo amaanka Somalia iyada oo lafulinaayo howllgalka nabad ilaalinta amisom ee Somalia” ayuu yiri madaxweynaha dalka Kenya mr uhuru kenyata.

Kenya ayaa ku guul darreesatay in alshabaab lagu daro liiska argagixisada caalamiga taaasi oo ey kadiiday dowlada Somalia iyo golaha amaanka ee qaramada midoobay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com