Saturday, April 18, 2026
29.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Somaliya Xasan oo kala diray Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waafajenti sharciga Xeerar Madaxweyne oo la soo saaray sanadkii 2020-ka, kuwaas oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka kmg ah uu tilmaamayo.

MARKUU ARKAY: Qodobka 4aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S.;

MARKUU ARKAY: Qodobada kala ah 71aad (b), 82aad (2), 111E, 111G iyo 112aad ee Dastuurka KMG ee J.F.S, Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Faqradiisa 1aad oo mudadda xil-haynta Guddida ku soo koobtay Lix sanadood oo aan la cusboonaysiin karaynin iyo Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu dhisay Gudidda Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Madaxweynaha oo tixraacaya Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku waajibinaya ilaalinta iyo horumarinta mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka dalka ayaa buriyey Xeererka Madaxweyne ee sida Dastuurka khilaafsan u soo baxay ee kala ah;

1- Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

2- Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

3- Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga a Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka si waafaqsan Qodobka 112aad ee Dastuurka KMG iyo shuruucda lagu dhisay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...