Friday, September 4, 2026
26.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: RW Kheyre oo booqashadii Shanaad maanta ku tagay magaalada Dooxa

Dooxa (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Jimcihii maanta ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Mr. Kheyre iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Dooxa uga qayb gelaya madasha Dooxa.

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hay’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa December 14-15, 2019.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya, waxaana taageeradeeda ay soo shaacbaxday Markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre ayaa tan iyo markii uu noqday Ra’iisul Wasaare tagay dalka Qatar May 13, 2017  Dec 13, 2018 , June 1, 2019 iyo November 16, 2019.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...