Friday, July 10, 2026
26.8 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRO: Madaxda Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo kulan la qaatay Wafi ka socda Dawladda Qatar

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Laftagareen iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan Waxay la Qaateen La-taliye Sare Ra”iisul Waasare ku Xiggeenka Dawladda Qatar oo Safar kusoo Gaaray Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Kulankaasi ayaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya, waxaana inta uu Socday kulanka looga hadlayey Siddii Dalka oo kasoo kabanayo Marxaladihii uu Soo maray ay Dawladda Qatar Mashariicda ay Bixiso Qeyb Uga Noqon lahayd Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Waxaa Kulanka la isku Dhaafsaday Fikrado lagu Horumarin karo Xoojinta Dib u dhiska Dalka, Ka miro dhalinta Hormarinta Mashaariicda iyo Shaqa Abuurka loo Samaynaayo Bulshdada Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa uga mahad-celiyey Dawladda Qatar Taageerada ay Siiyaan Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed oo Ka taageera Dhinacyada Dib u dhiska Tayenta Ciidanka iyo Shaqa Abuurka ay u sameeyaan Shacabka Soomaaliyeed, Waxaana uu Xusay in loo Baahan yahay in Mashaariicdaas ay Qeyb uga Noqon lahayd Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...