Thursday, July 9, 2026
25.2 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Degmada Dharkeenleey oo Caawa ku guuleysatay Koobka degmooyinka gobolka Banaadir

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa goor-dhow caawa soo gabagaboobay ciyaar aad u xiiso badaneyd oo u dhaxeysay degmooyinka Dharkeenleey iyo Waaberi ee gobolka Banaadir.

Kulankaan oo ahaa kii kama dambeysta ee tartankii degmooyinka gobolka Benaadir ayaa ciyaartoyda labada degmo waxa ay soo bandhigeen ciyaar wanaag ay aad ugu riyaaqeen daawadayaashii garoonka ku sugnaa.

Kooxaha labada degmo ayeysan midkoodna u suurta galin in ay Gool la yimaadaan 90-kii daqiiqo ee loogu tala galay ciyaarta, sidoo kale daqiiqo kooban oo ciyaarta lagu darayna uma suurta galin in ay Gool la yimaadaan.

Ugu dambeyn ayaa garsoorka ciyaartu go’aamiyay in Gool ku laad lagu kala baxo, waxa ayna natiijadu noqotay degmada Dharkeenleey oo la timid 3 Gool iyo Waaberi oo heshay laba Gool.

Siddeed sano kaddib ayey degmada Dharkeenleey ku guuleysatay koobka tartanka degmooyinka gobolka Benaadir.

Wasiirka Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Marwa Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa degmada Dharkeenleey ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...