Tuesday, April 21, 2026
29 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Argooyin tira badan oo galabta ku qul-qulay Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa Sabtidii maanta gaaray xubno ka mid ah Ergooyinka loogu talagalay inay ka qaybgalaan shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha degga Galmudug.

Ergooyinka oo goobo kala duwan isaga kala yimid ayaa waxaa qaarkood lagu soo dhaweeyay Garoonka Dhuusamareeb, xubnihii ku soo dhaweeyayna waxaa horkacayay Gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta shirweynaha beelaha Galmudug, C/raxmaan Macalin C/laahi Baadiyow.

Ergooyinka ayaa waxaa la geeyay goobaha loogu talagalay in la dejiyo, halkaasoo ay deganaan doonaan illaa iyo inta shirweynaha laga soo geba-gabeynayo.

Qaar kale oo Ergooyinka ka mid ah oo safar dhinaca dhulka ah ku tagey Magaalada Dhuusamareeb, ayaa sidoo kale waxaa la geeyay goobaha loo qorsheeyay inay deggaan.

Sabtidii maanta oo la fillaayay in shirweynuhu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ayuu markii labaad dib u dhac ku yimid, sababo ku aadan Ergooyinka oo aan soo wada gaarin Dhuusamareeb.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...