Sunday, June 14, 2026
25.9 C
Mogadishu

WAR DEG DEG: Dagaal xooggan oo hadda ka socda deegaanka Calamada ee gobolka Sh/Hoose

Calamada (Halqaran.com) – Warar goor-dhow soo gaaray xafiiska warqabadka Halqaran.com, ayaa sheegaya, in deegaanka Calamada oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose uu hadda ka socdo  dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada DF Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamada Booliska ee ku sugan deegaanka Calamada.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbraahinta Halqaran.com ayaa sheegay, in dagaalka uu halkaasi ka socdo, ciidamo badan oo Al-Shabaab ka tirsana ay weerarka soo qaadeen.

“Ciidan badan oo Al-Shabaab ayaa soo weeraray Calamada dagaalkana wuu socdaa oo Ciidamada Booliska calamada degan ayaa la soo weeraray.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka

Deegaanka Calamada ayaa dhawaan waxaa la dajiyay Ciidamo Bolis ah, kadib markii Ciidamadii Militariga ee halkaasi Isbaarada u taalay laga qaaday.

Ciidan gurmad ah ayaa waxa ay ka baxeen Isgoyska Excontrol Afgooye si ay u gaaraan goobta dagaalka uu ka socdo.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com, Insha allaah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...