Sunday, April 19, 2026
28.7 C
Mogadishu

Guddoomiye Maxamed Mursal: ”Doorashada Soomaaliya waqtigeeda ayay ku dhaceysaa”!

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Jigjiga (Halqaran.com) – Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmahanba ku sugnaa dalka Itoobiya, gaara ahaan Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu ku casuumay dhiggiisa Itoobiya ayaa waxaa uu ka hadlay doorashada la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo sanadka dambe.

Mursal ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto xiliga loogu talo galay, oo aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku iman doona doorashada, barlamaanka Soomaaliyana uu ka doodi doono shuruucda doorashada soo soocta.

“Doorashada xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa haddii Alle idmo, Waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada”, ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da.

Waxaa kale oo uu sheegay in mudo xileedka dowlad walba ay ku qoran tahay dastuurka, oo dowladda walba ay heysato afar sano, marka afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...