Tuesday, May 12, 2026
27.3 C
Mogadishu

XOG LA HELAY: Sirdoon soo ogaaday goobta Al-Shabaab ay ku diyaariyaan qaraxyada miinooyinka, waa halkee?

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab /Sawir hore/

Nairobi (Halqaran.com) – Sirdoonka waddanka Kenya ayaa soo ogaaday halka maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku sameeyaan Miinooyinka ay qaraxyada uga gaystaan gudaha dalka Kenya.

Warbixin Sirdoon oo loo gudbiyay Booliska dalka Kenya ayaa lagu ogaaday goobta Qaraxyada Miinooyinka Al-Shabaab ay ku diyaariyaan inay tahay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe.

Intaasi kaddib Al-Shabaab ayaa Miinooyinka waxa ay ku qaadaan Gaari dameero sida sahay, waxaana ay ku qaybiyaan deegaanka Laanqurac oo ku dhaw xuduuda, halkaasi oo laga gudbiyo Miinooyinka Al-Shabaab ay ku qarxiyaan Gudaha Kenya.

Taliyaha Booliska Dalka Kenya Hillary Mutyambai, ayaa sheegay inay jiraan dad kala duwan oo Al-Shabaab la shaqeeya, kuwaasi oo Miinooyinka ka gudbiya dhanka xuduuda.

Sidoo kale, sirdoonka Kenya ayaa ku soo warramaya in ay heleen in xog ururinta Al- Shabaab ee Gobolka Soomaalida ay aad ugu badan yihiin Haweenka, kana fogaadaan dadka xoola dhaqatada ama beeraleyda ah ee deegaanka.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegay in Ciidamada Al-Shabaab ee sohdinta ka dagaallama uu hoggaamiyo Cabdullahi Banati, islamarkaana uu leeyahay kooxo kala qeybsan oo qeybtiiba ka kooban tahay 8 ilaa 10 qof.

Kooxdaas ayuu sheegay in inta badan aysan ka fogaan goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan, islamarkaana qayb miinada geliso dhulka kuwana kor ka illaaliyaan si haddii loogu yimaado ay u difaacaan.

Ugu dambeyn, Cabdullahi Banati ayey sheegeen in uu qeyb ku lahaa weerarradii Westgate, Jaamacadda Gaarisa, Dusit D2 iyo weerarkii Bishii October lagu dilay 12 ka mid ah Saraakiisha Booliska Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...