Tuesday, April 21, 2026
29.6 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Xoogaga Ahlu Sunna oo galabta dhoolatus Militari ka sameeyay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa caawa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ka socda kulamo kala duwan oo ay hor-boodayaan odayaasha dhaqanka, isla markaana lagu dhex-dhexaadinayo dowladda dhexe Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Ururka Ahlu Sunna.

Odayaasha dhaqanka ayaa la kulmay labada dhinac waxaana ay sheegeen in tabashooyinka ay qabaan xalin doono, islamarkaana aan loo baahneyn in xiisad laga dhex abuuro bulshada Magaalada Dhuusamareeb.

Dowlada Soomaaliya ay dadaal ugu jirta sidii uu ku shaqo bilaabi lahaa Guddigii ay Magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo maanta Guddoon doortay, islamarkaana Ahlu sunna ay kasoo horjeedo.

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta badan Ciidamo dheeraad ah la geeyay meelaha ay jooggaan Ahlusunna Madaxdooda.

Xoogaga Ahlu suna ayaa maanta la wareegay xarumo muhiim ah oo ku yaalo magaalada Dhuusamareeb, taasi oo cabsi weyn ku abuurtay Bulshada magaaladaasi.

Sidoo kale, Sheekh Shaakir iyo Macalim Maxamuud hoggaamiyaha Ahlusunna ayaa Jimcihii galabta dhoolatus ciidan ka sameeyay magaalada Dhuusamareeb, xilli gobalka Galgaduud laga dareemayo dhiil colaadeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...