Tuesday, October 28, 2025
27.7 C
Mogadishu

Amar culus oo la dul dhigay hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Muqdisho

Muqdisho (HalQaran.com) – Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya ayaa sheegtay in magaca rasmiga ah ee gegida diyaaradaha magaalada Muqdisho uu yahay ´gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle´.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duullimaadka hawada Soomaaliya ayaa lagu faray safaaradaha, hay’adaha caalamiga iyo cid walba oo adeegsata gegida in ay adeegsadaan magaca kor ku xusan iyada oo loo diiday in ay ugu yeeraan gegida Muqdisho.

“Gegida waxaa ka hore loogu magac daray madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Aadan Cabdulle sidaa awgeed magaca rasmiga ah ee gegiddu waa Aadan Cabdulle, Waxaa mamnuuc ah in xariirradaada qoraaleed amaba midka hadal aad u adeegsato magaca gegida Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaraddu.

Sanadkii 2007-dii ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay garatay in magaca gegida loogu magac daro madaxweynihii ugu horreeyay ee uu dalku yeesho oo geeriyooday, isla sanadkaas si xusuusta dadweynaha Soomaaliyeed uu ugu sii negaado.

Xafiiska HalQaran.com, Muqdisho
halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...