Tuesday, May 12, 2026
30.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO + XOG XASAASI: Maxay kaga jawaabtay DF Somaliya xayiraaddii ay saartay hawada KISMAAYO?!

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed Maxamed Salaad Oomaar

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii  ugu horreysay ka hadashay sababtii ka dambeysay in diyaaradaha ka yimaado Magaalada Kismaayo ay soo maraan magaaladda Muqdisho, iyo xayiraadda Duulimaadyadda.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed Maxamed Salaad Oomaar ayaa sheegay in uusan jirin maamul lagu aamini karo hawada Kismaayo, sidaa awgeedna ay dowladu u saartay xayiraada.

Mar uu la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayuu sheegay in joojinta Duulimaaaydii tooska ahaa ee Kismaayo ay salka ku hayso in aysan jirin cid ay si buuxda ugu haleyn karaan duulimaadyada Kismaayo.

Dhanka kale, Wasiir Oomaar ayaa beeniyay in qorshaha ka dambeeya ee ah in diyaaradaha ay Muqdisho soo maraan ay tahay in siyaasiyiinta Maamulka Jubbaland lagu qabto Muqdisho lana xiro.

”Hawada Kismaayo ma xirno laakiin waxyaabaha soo galaya iyo wixii ka baxaya ayaan u hakinay duulimaadyada, ma jiro qof dambi aan ka gelin dalka aan lagu qabsan doonin garoonka Muqdisho.” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Salaad Oomaar.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA WASIIR OOMAAR:

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...