Sunday, June 28, 2026
26.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Hirshabelle ‘Waare’ oo ka hadlay qaraxii maanta lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkiisa

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr. Waare

Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Hirshabele Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan, iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Wadada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Sh dhexe.

”Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday”, ayuu yiri Madaxweyne Waare.

”Labada Mas’uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabelle u horumari laheyd” sidaasi Waxaa Yiri Madaxweyne Waare.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Marxuumeenta Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Qarax Miino oo wadada la galiyay ayaa lagu dilay Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Hirshabelle kaasi oo ka ambabaxay Magaalada Balcad una socday Jowhar.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...