Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay Kulankii madaxa Galmudug uu la yeesheen Xildhibaano mucaarad ku ah DF Somaliya?!

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxa maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud wuxuu kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadan uu la kulmay Madaxa Galmudug ayaa ah kuwa mucaaradka ku ah dowladda Federalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka soo jeeda deeganada Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa kala ah Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, waxaana kulanka uu ka dhacay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.

Intii uu kulanka socday waxyaabaha la isku soo hadal qaaday waxaa ka mid ah sidii Xildhibaanada ay door uga qaadan lahaayeen hawlaha dib u heshiisiinta ah ee ka socda deeganada Maamulka Galmudug.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Xildhibaanada u sheegay door muuqda inay kaga qayb qaataan hawlaha dib u heshiisiinta ee ka socda deeganada Maamulka Galmudug, maadaama ay yihiin Xildhibaano deegaanka laga soo doortay.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka socda shir dib u heshiisiin ah oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...