Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Golaha Wasiirrada ee XFS oo Ansixiyay Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka & Darajooyinka Shaqaalaha

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah kulan ay yeeshan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre waxa ay ku ansixiyeen Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda oo ay golaha hor keentay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadda.

Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda ayaa waxa ay caawinaysaa xaqiijinta ujeedooyinka dawladda ee ku saabsan habka mushahar-bixinta iyo astaynta darajooyinka shaqaalaha rayidka ah.

Baahida siyaasaddan hirigelinteeda keentay ayaa ah in laga guuro nidaamkii hore ee darajooyinka shaqaalaha ee ku saleysnaa kaliya heerka waxbarasho, loona guuro nidaam cusub oo ku saleysan baahiyada shaqo kasta oo dowladeed kuwaas oo ay ka mid tahay, aqoon, waayo aragnimo, xirfad iyo karti.

Ugu dambeyn, siyaasadda la meel mariyay ayaa meesha ka saareysa nidaamka hadda jira ee Darajada Shaqaalaha oo ku saleysan kaliya Heer Waxbarasho, balse aanan loo eegin heerarka kala duwan ee mas’uuliyadaha shaqooyinka la qabanayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...