Monday, April 20, 2026
30 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in Xildhibaan Ilhan Cumar loogu hanjabay Dil?

Minnesota (Halqaran.com) – Maxkamad federaal ah oo ku taalla dalka Mareykanka ayaa dhawaan ku xukuntay saddex sano shaqo adag ah iyo ganaax dhan $7,000 oo doolar, nin u hanjabay Ilhaan cumar, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta Mareykanka.

Ninkan ayaa hadda ka hor la sheegay in farriin Email ah uu u diray Ilhaan Cumar isagoo ugu hanjabay in uu dilayo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in isla farriintaas hanjabaadda dil ah uu u diray saddex xildhibaan oo kale oo ka tirsan Aqalka Koongareeska Mareykanka.

Ninkan oo lagu magacaabo David George Hannon, oo 67 jir ah ayaa bishii April qirtay in dambiga ah in uu dilka ugu hanjabay xildhibaanada kadib markii farriin ugu diray Email-ka.

Wuxuu mari doonaa baaritaan dhanka maskaxda ah iyo in uu isticmaalay daroogo.

Xildhibaanada uu ninkan hanjaabadda dilka ah kula kacay ayaa  kala ah Ilhaan Cumar oo aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ku matesha Minnesota, Alexandria Ocasio-Cortez oo laga soo doortay New York, Ayanna Pressley oo laga soo doortay Massachusetts iyo Rashida Talib oo laga soo doortay Michigan, sida ay ku warrantay warbaahinta Tampa Bay Times.

Xilliggii uu arrintaas sameynayay waxay xildhibaanada qabteen shir jaraa’id bishii July ee sanadkii 2019-kii xilli ay dhaleeceynayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo sheegay ‘in xildhibaanada ay dib ugu laabtaan dalalkii ku caanbaxay dambiyada’

Hanjabadda waxay mid ‘aad u fool xun oo aan habbooneyn dhinac walba’ sida uu sheegay garsooraha maxkmadda Kathryn Kimball Mizelle.

Xigasho – BBC Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...