Saturday, June 13, 2026
27.6 C
Mogadishu

AKHRISO: Shuruudaha Musharraxiinta Xilka Madaxweynaha dalka oo la soo bandhigay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga qaba-qaabada doorashada Madaxweynaha JF Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah soo saaray shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta u taagan tartanka xilka Madaxweynaha dalka.

War qoraal ah oo ay soo saareen Guddiga doorashada Madaxweynaha dalka ayaa waxaa lagu sheegay in Musharraxiinta looga baahan yahay Warqada Codsiga xilka Musharaxnimo iyo mida aqoonsiga (ID ama Baasaboor).

Waxaa sidoo kale shuruudaha ku jira, warqada soo jeedinta Musharaxa iyo Warqada caddeyneysa buuxinta shuruudaha Musharaxnimo, Warqada caddeynta lacag qabashada iyo tan aqbalaada iyo u hoggaansamida natiijada doorashada.

Guddiga doorashada ayaa Musharraxiinta xilka Madaxweynaha ku Wargeliyay inay soo dhammeystiraan dhammaan shuruudaha laga rabo, si loo guddoonsiiyo shahaadada Musharaxnimo.

Isniinta berri ayaa magaalada Muqdisho ka billaaban doontaa diiwaangelinta musharraxiinta madaxweynaha, waxaana la qorsheynayaa doorashada inay dhacdo 15-da bishaan Maay ee ku beeggan Axadda soo socota.

Haddaba halka hoose ka akhriso Qoraalka Guddiga doorashada:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...