Tuesday, May 12, 2026
29.9 C
Mogadishu

Bilyaneer u dhashay Japan oo raadinaya 8 qof oo Dayaxa u raacda!

Japan (Halqaran.com) – Bilyaneer u dhashay dalka Japan ayaa doonaya Siddeed qof oo u raacda safar uu ugu ambabixi doono Dayaxa, isagoo raacaya dayax gacmeedka SpaceX ee uu leeyahay maalqabeenka Elon Musk.

Yusaku Maezawa ayaa video uu soo dhigay barta Twitter ku sheegay in uu doonayo dad ka soo jeeda qeybaha kala duwan ee bulshada caalaamka, waxaana uu ku soo bandhigay sida lagu dooranayo dadka soo gudbista codsiga safarka.

Safarkaan oo loogu magac-daray DearMoon ayaa la qorsheynayaa in uu hirgalo sanadka 2023, waxa uuna noqonayaa kii u horreeyay ee uu bani’aadanka ku tago Dayaxa tan iyo sanadkii 1972.

Maalqabeenkaan u dhashay dalka Japan ayaa tilmaamay in uu bixin doono dhammaan qarashka safarka, dadka ku wehlin doona safarka ayuu sheegay inay si bilaash ah ku tagi doonaan Dayaxa.

Sanadkii hore, waxa uu billaabay barnaamij uu ku raadinayo gabar saaxiib la noqota oo ku wehlisa safarka, balse markii dambe ayuu joojiyay qorshahaas.

Ninkan ayaa maalka uu haysto lagu qiyaasay laba bilyan oo dollar.

Mr Maezawa ayaa la shaaciyay sanadkii 2018 inuu noqonayo qofka ugu horreeya ee ku safraya Dayax gacmeedka Elon Musk ee SpaceX.

Sayid Omar Hajji – Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...