Wednesday, April 22, 2026
28.3 C
Mogadishu

Maalintii ugu dhimashada badnayd mudaharaadyada ka socda Myanmar

Myanmar (Halqaran.com) – Booliska dalka Myanmar ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18 qof, waxaa sidaasi shaaciyay Xafiiska xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey.

Sida uu Isniintii maanta sheegay xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey ayaa waxa ay noqoneysaa maalinkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii ay bilaabmeen dibadbaxyada looga soo horjeedo afgembigii militari ee dalkaasi ka dhacay.

Dhimasho ayaa laga soo sheegay magaalooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Yangon, Dawei iyo Mandalay, iyadoo booliisku ay adeegsadeen rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmaysiisa.

Howlgalkii booliiska ayaa la ballaariyay maalintii Axadda kadib muddo toddobaadyo ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo nabadeed.

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan wuxuu sheegay in maamulka Biden ay diyaarinayaan tallaabooyin dheeri ah oo ka dhan ah militariga, “Waxaan sii wadi doonnaa wada shaqeynta dhow ee aan la leenahay xulafada iyo adduunka oo dhan si loola xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah xasuuqa” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray Axadii.

Hoggaamiyihii Myanmar Aung San Suu Kyi, ayay militariga xabsiga u taxaabeen, markii ay xukunka la wareegeen, waxa ayna kala kulmeen cambaareyn xoogan.

Ms Suu Kyi ayaa la filayaa in maanta oo Isniin ah ay wajahdo dacwadaha maxkamadda, hoggaamiyaasha militariga ayaa sheegay in qabsashada awooda ay timid ka dib markii ay isdaba marin baahsan ay ka dhacday doorashada, laakiin guddiga doorashada ayaa iska fogeeyay warkaas.

Sayid Omar Hajji – Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...