Tuesday, June 2, 2026
28.4 C
Mogadishu

Duqeyno dhanka cirka oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose & Shabaab badan oo lagu laayay

Awdheegle (Halqaran.com) – Faah-faahin ka soo baxeysa weerarro dhanka cirka ah oo siyaabooyin kala duwan maleeyhiaadka Al-Shabaab loogula beegsaday saldhigyo ay ku leeyihiin deegaano ku yaala Gobolka Shabellaha Hoose.

Duqaynta hore ayaa waxay Khamiistii ka dhacday Deegaanka Janaale, halkaasoo lagu beegsaday maleeshiyaad Shabaabka ka tirsan, oo sida la sheegay xilligaa ku guda jiray aas u samaynayeen dagaalyahano looga dilay weerarkii ay Arbacadii ku qaadeen Degmada Awdheegle.

Wararka ayaa sheegaya in duqayntan lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka tiro kalena looga dhaawacay.

Duqaynta labaad ayaa waxay ka dhacday Deegaanka Mubaarak oo Al-Shabaab ay ka arrimiso, waxaana la sheegay in duqayntaasi ay waxyeelo buuran ka soo gaartay maleeshiyada Al-Shabaab.

Idaacadda ku hadasha afka Ciidanka Xoogga Dalka ee SNA ayaa baahisay in duqayntaasi lagu dilay kow iyo labaatan xubnood oo Al-Shabaab ka tirsanaa, halka 37 kalena lagu dhaawacay.

Sida ay tabisay Idaacadda SNA duqayntan ayaa xubnaha maleeshiyaadka Al-Shabaab lala beegsaday, xilli ay ku guda jireen diyaarinta walxaha qarxa.

Duqaymahan ayaa waxaa gaystay diyaaradaha dagaalka ee dalka Mareykanka laga leeyahay, iyadoona ay ka qayb qaateen Ciidanka Xoogga Dalka, sida ay baahisay Idaacadda SNA.

Si kastaba, weerarada maleeshiyaadka Al-Shabaab lagula beegsaday Janaale iyo Mubaarak ayaa waxay ku soo beegmayan, xilli Ciidanka Xoogga Dalka ay Gobolka Shabellaha Hoose ka wadaan hawlgalo ka dhan ah xagjiriinta Al-Shabaab.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...