Tuesday, April 21, 2026
28.6 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay, banaanbixii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Sabtidii maanta markale banaanbax isugu soo baxay dadweyne careysan nawaaxiga Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka caroodeen dil xalay loo gaystay laba ruux oo shacab ahaa, waxaana dilkaasi gaystay Askari Boolis ah.

Dadkaan careysan ayaa ku dhawaaqaayay erayo ka dhan ah Ciidamada Dowladda, gaar ahaan Ciidamada Booliska oo ay sheegeen inay yihiin kuwa si bareera u laaya shacabka danyarta ah.

Dadkii xalay ee uu dilay Askariga ka tirsan Ciidamada Booliska, ayaa waxaa la sheegay inay hor fadhiyeen gurigooda, balse lagu gardarooday.

Allaha u naxariistee labada Marxuum ee la dilay ayaa kala ahaa.

1-Marxuumada Madiino Cabdullaahi Cabdi ina Faadumo Xuseen Maxamed 17 jir ah ku dhalatay Xamar daganeyd Boondhere,

2-Marxuun Xasan Cali Cadaawe ina Faadumo Cali Xasan 24 jir ah ku dhashay Xamar daganaa Boondheere.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay D/Le booliis 26869 Xasan Aadan Xasan  24 jir, kaasi oo hadda ku jira gacanta Hay’addaha Garsoorka dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...