Muqdisho (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulle Shooli, oo muddooyinkanba ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho.
Cumar Shooli oo ka tirsanaa Hoboladii Qaranka ee Waaberi ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Yardimeri ee Magaalada Muqdisho.
Ehelada marxuumka ayaa xaqiijiyay in laba bilood oo uu ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho uu xalay ku geeriyooday Isbitaalka Yardimeri.
Cumar Shooli oo lagu naaneysi jiray (Madaalihii Hobolada Waaberi) ayaa toddobaadkii hore shaashadaha laga daawaday, isagoo umadda Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkaba ka codsanaya in la caawiyo.
Fannaaniin fara badan oo dadka iyo dalkaba macno weyn u lahaa xilligii berri-samaadka ayaa dayac iyo daryeel xumo ugu geeriyooday gudaha dalka iyo meel kaloo ka baxsanba.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






