Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu toogtay nin nabaddoon ahaa, kaasi oo lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Dilkan marxuumka ayaa ka dhacay Xaafada Juungal, waxaana nabadoonka la dilay lagu magacaabayay Xaaji Shaahid Kheyr-doon.
Rag bistoolado watay ayaa Nabadoonka ku dilay afaafka hore Masaajid uu ku soo dukaday Salaada Cishaha, kadib markii uu Masaajidka ka soo baxay ayaa rasaas lala beegsaday.
Dableydii dilka gaysatay ayaa meesha ka baxsatay, waxaana mar dambe halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo goobta ka qaaday maydka Nabadoonka.
Allaha u naxariisto, nabadoonka la dilay ayaa si wayn looga garanaayay Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid. lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo gaystay ninkaan Nabadoonka ahaa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






