Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

UPDATE: In kabadan 100 dhaqaatiir ah oo u geeriyootay cudurka Coronavirus dalka Talyaaniga

Rome (Halqaran.com) – In ka badan 100 dhaqaatiir ayaa dalka Talyaaniga ugu geeriyooday cudurka Coronavirus iyo 28 kalkaalisoon, tan iyo markii uu dalkaasi ka dilaacay cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, sida warbaahinta RAI u sheegeen ururka kalkalisooyinka dalkaasi ee Fnopi.

Ururka Fnopi ayaa sidoo kale sheegay, in dhaqaatiirta badankooda ay u dhinteen difaac la’an sida qalabka wajiga lagu xirto iyo qaarkood oo shaqeenayay 24 saacadood oo xiriir ah, kadibna uu ku dhacay xanuunka maadama ay sameeyeen xiriir joogta ah.

Ururkan Kalkaalisooyinka ah ee dalka Talyaaniga ayaa xusay, in dhaqaatiirta dhimatay ay da’dooda ka sareyso 60 sano jir, halka qaarka kale ay ku jireen xiliga hoolgabka.

Cudurka COVID-19 ayaa fara ba’an kuhaya dalka Talyaaniga, iyadoona ay maalin walba ay u dhimanayaa tiro dad ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...