Sunday, May 10, 2026
31.9 C
Mogadishu

Maamulka Dhuusamareeb oo soo saaray amarro quseeya magaalada.

Magaalada Dhuusamareeb


Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Maamulka dowlada Hoose caasimadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan xafiiska Amniga iyo siyaasada ayaa soo saarey amar ku saabsan in Dadka leh xoolaha ku dayacan waddooyinka magaalada in muddo 48 saacadood godahood ah ay ku xareystaan xoolahooda.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga Magalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan aruurinta dhammaan xoolaha Iska jiifa waddooyinka magaalada,isla markaana dadka leh xoolahaaasi laga xareeyey la saari doono ganaax lacageed oo dhan 100 kun oo shilling Soomaali ah maalintiiba.

Sidoo kale, guddoomiye ku-xiegenka ayaa ku amrey guddoomiyaasha shanta Xaafadood ee Magaalada Dhuusaareeb inay dhaqan galiyaan Amarkaan, iyaga oo kaashanaya laamaha Amniga ee Caasimadda.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa uu ku wargeliyey Shacabka ku nool Magaalada Dhuusamareeb inay dhawaan bilaabi doonaan Diiwaan gelinta tira koobka guryaha, si loo xaqiijiyo aminigooda, iyada oo billaaban doonta maalinta barri oo Sabti ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...