Sunday, May 10, 2026
31.9 C
Mogadishu

Dagaal xooggan oo khasaare geystay oo ka dhacay Jubbada Hoose & Wararkii ugu dambeeyay

Kismaayo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya, in dagaal khasaaro kala duwan geystay uu ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni, wuxuuna dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tabaray ee loo yaqaano Bangaraafta iyo Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka waday deegaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 40 km u jira Magaalada Kismayao ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal socdey in ka badan Saacad.

Dadka deegaanka Baar Sanguuni qaarkood oo diidey in Magacooda iyo Codkooda loo adeegsado Warabahinta ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda ee ka howlgalla Gobolka Jubbada Hoose ayaa Warbaahinta u sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid dhinaca maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Geesta kale, Ururka Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka taageera ku qorey in dagaalka ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ay ku dileen 10 askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda, walow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...