Friday, May 15, 2026
27.7 C
Mogadishu

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan Shabeellaha Hoose

Sh/hoose (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga dalka ayaa hawlgal ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose waxaa ugu suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta tuulooyin dhawr ah oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.

Ciidamada ayaa ka dhaqaaqay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana ay gaareen illaa Shan tuulo oo hoostagta Janaale, halkaasi oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku sugnaan jireen.

Tuulooyinka Ciidamada ay la wareegeen ayaa kala ah Busleey, Malable, Buulo Urunji iyo Malable oo ah tuulooyin hoostagga Janaale, sida Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen.

Hawlgalka lagula wareegay tuulooyinkan oo aan dhiig ku daadan ayaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka waxa ay sheegeen inay kaga gol leeyihiin sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka Janaale oo xilliyada qaar Shabaab ay soo weeraraan.

Sidoo kale, saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ayaa ssheegay inay qorsheynayaan gaarista deeganada kale ee Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Ugu dambeyn, hawlgalka Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa wuxuu dhabar jab xoog leh ku noqday Shabaab, kadib markii Shabaab deegaano muhiim ah oo Gobolkaasi ka tirsan lagala wareegay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...