
Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax khasaare geystay.
Qaraxan ayaa waxaa lagu soo xiray gaari uu watay mas’uul ka tirsan wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Puntland.
Wararka ayaa sheegaya, in mas’uulkaasi uu ku dhaawacmay qaraxa gaarigiisa loogu xiray xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Mas’uulka qaraxa ku dhaawacmay waxaa magaciisa lagu soo koobay, Cabdi Gube, waxaana dhaawaciisa iminka lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo.
Wararka ayaa sheegaya, in sarkaalka la qarxiyay ay waxyeello xooggan ay ka soo gaartay lugta.
Inta badan waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaa lagu beegsadaa saraakiisha ka shaqeeya dhanka canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda Puntland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





