Wednesday, April 22, 2026
29.9 C
Mogadishu

Laba toddobaad oo la mamnuucay in loo dabaal-tago Xeebta Liido

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga heer Gobolka ee Maamulka Gobolka Banaadir u qaabilsan ka hortaga caabuqa Corona Virus (COVID19) oo ay hoggaamiso guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed oo Talaadadii maanta kulan ku yeeshay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa soo saaray go’aamo la xiriira Hakinta Isku-imaashiyaha Bulsho iyo Talooyin Caafimaad.

Wareegto kasoo baxday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu xusay in la Hakiyo isku imaatinka Bulshada iyadoona fariin loo diray Hoteelada, Maqaayadaha iyo goobaha Dalxiiska ee Muqdisho.

Waxaa muddo laba todobaad ah la joojiyay dadka u soo dabaal taga xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, iyadoona sidoo kale la joojiyay goobaha lagu caweeyo ee lagu istecmaalo shiishadaha.

Hoteellada, Maqaayadaha iyo goobaha Dalxiiska ayaa la faray in ay diyaariyaan agabyo Nadaafadeed ee loogu hortagi karo faafida Caabuqa COVID19 sida, goobo farxal nadaafadeed iyo jeermis dile, iyadoona hab fadhiga goobahaasi laga dhigayo mid kala fog si loogu hortago faafida caabuqa COVID19.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...