Wednesday, May 6, 2026
28.1 C
Mogadishu

Go’aankii lagu joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa oo maanta si rasmi ah u dhaqan galay

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho /Sawir hore/ Keydka HQ

Muqdisho (Halqaran.com) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga dhaqan galay amarkii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa.

Wasiirka duuliska hawada ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa Isniintii ku dhawaaqay in 19-ka Maarso ee maanta la joojinayo dhammaan duulimaadyada caalamiga ah ee imaan jiray Caasimadda Muqdisho, si looga hortago buu yiri faafida cudurka Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waqti badan gelineyso sida looga hortagi karo Caabuqa Coronavirus oo dalal badan saameyn ku yeeshay, iyada oo joojisay duulimadyadaii Caalamiga ahaa, sidoo kale xirtey muddo 15 Cisho ah Goobaha Waxbarashada.

Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa saaka ilaa iyo hadda wuxuu yahay mid aysan ka soo dagin Duulimaad caalami ah, sidoo kalena aysan ka dhoofin.

Go’aanka ay dowladda Soomaaliya qaadatay ayaa waxaa sidoo kale qaatay dalal badan oo uu Cudurka Coronavirus gaarey iyo kuwo uusan weli gaarin, iyada oo laga hortagayo inuu cudurkaasi ku faafo bulshada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...