Wednesday, May 6, 2026
28.5 C
Mogadishu

UPDATE: Nabaddoon caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Nabadoon Cabdiraxmaan Nuur Gurey (Geesdiir)

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Warar goor dhow naga soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi lagu dilay Nabadoon Cabdiraxmaan Nuur Gurey (Geesdiir) oo ka mid ahaa Nabadoonada Gobolka Mudug.

Rag hubeysan ayaa waxay Cabdiraxmaan Nuur Gurey ku dileen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay ka toogteen qaybaha kore ee jirkiisa.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan hubeysan ay wadada u galay Cabdiraxmaan Nuur, wax yar uun ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid uu ku soo tukaday, kuna sii jeeday hoygiisa.

Kooxahan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin ayaa waxaa dilka ka dib u suurtagashay inay ka baxsadaan xaafadda Garsoor.

Ciidamada Booliska oo ku baxay goobta uu dilka gaaray ayaa waxay ka wadaan baaritaano ay ku raadraacayaan dhagar-qabayaashii dilkaasi gaystay.

Allaha u naxariisto Cabdiraxmaan Geesdiir ayaa xilligan ku magacawna Gudoomiyaha Laanta Shanaad ee Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo.

Cabdiraxmaan Geesdiir ayaa ahaa nin nabadda ka shaqeeya, waxaana lagu ammaanaa inuu ahaa shakhsi ku wanaagsan isku xirka dadweynaha iyo ka shaqaynta arrimaha amniga.

Ugu dambeyn, saraakiisha Booliska iyo Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaan ka hadlin tallaabada lagu dilay Geesdiir, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...