Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya +(SAWIRRO)

Nairobi (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku joogga dalka Kenya ayaa kula kulmay Magaalada Nairobi Safiirka Maraykanka ee Somaliya, Amb. Donald Yamamoto, Saraakiil ka tirsan Safaaradda iyo masuuliyiin ka socda Hay’adda USAID.

Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya iyo xubnihii wehlineysay ayaa Madaxweyne Deni ku soo booqday goobta uu ka degan yahay Magaalada Nairobi, waxaana ku wehlinaayay kulankaasi Madaxweynaha masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni iyo Safiirka iyo Amb. Yamamoto ayaa kulankooda uga wadahadlay xaaladda guud ee Somaliya, arrimaha Amniga, si gaar ahna la dagaalanka argagixisada, kobaca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee USAID ka waddo Puntland iyo hirgelinta mashaariic hor leh.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...