
Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa waxay soo bandhigtay muuqaal kooban, oo laga soo duubay Abshir Gaarane Axmed oo ka mid ahaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir.
Muuqaalkan oo lagu baahiyay barta NISA ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yiri “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan Kooxda Fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa argagixisada Al Shabaab xuuraanka & maaliyadda ayaa dabagal dheer ka dib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha Garsoorka.”
Abshir Gaarane ayaa muuqaalkan ku qirtay inuu Ururka Al Shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla-markaana uu u qaabilsanaa uruurinta macluumaadka iyo weliba dhinaca maaliyadda.
Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso leh:
- UPDATE: Xildhibaan Dalxa oo loo magacaabay booskii uu iska casilay Danjire C/raxmaan Guulwade
- Madaxweyne Farmaajo oo kulan muhiim ah la qaatay Guddiga QM ee cunaqabateynta Hubka +(SAWIRRO)
- AKHRISO: Jadwalka doorasho ee Ahlu Sunna ay maanta soo saartay & Khilaafkii oo cirka isku…
- Indha-cadde oo Kashifay in Al-Shabaab ay ka tirsan yihiin Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Hay’adaha kale!
“Kooxdan Al Shabaab waxaan la shaqo bilaabay 2013-kii, shaqadeeda waxaa waaye Fanaan, waxaana ka shaqeeyaa Gobolka Banaadir, qaybtiisa Fanka iyo Suugaanta. Aniga waxaan u qaabilsanaa qaybta macluumaadka iyo dhanka maaliyadda.” Ayuu yiri Abshir Gaarane.
Si kastaba ha’ahaatee, tani ayaa xoojinaysa dareenkii uu dadku ka qabay sida ay xubnaha Al Shabaab ugu dhex milmeen xafiisyada hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaa Dabagal dheer kadib NISA gacanta kusoo dhigtay, Iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha garsoorka. pic.twitter.com/SCmo35JY9s
— NISA (@HSNQ_NISA) January 21, 2020
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





