Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Fanaanka Khadar Keeyow oo dib u helay xorriyadiisa, kaddib markii lagu xiray Itoobiya

Fanaaan Khadar Ibraahin Keeyow /Photo: SocialMedia

Addis Ababa (Halqaran.com) – Fanaaanka Khadar Ibraahin Keeyow ayaa dib u helay xorriyadiisa, kadib markii maalmo uu ku xirnaay xabsi ku yaallo Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa juhdi badan ku bixiyay sii daynta Fanaanka, waxaana uu kala kaashaday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya.

Inkastoo aanan si rasmi ah loo shaacin sababaha rasmiga ah ee Fanaan Khadar Keeyow loo xiray, ayaa haddana wararkii soo baxaayay waxa ay sheegayeen in loo xiray arrimo ku saabsan Baasaboor.

Fanaanka ayaa sida qorshaha uu yahay waxa uu soo aadi doonaa Magaalada Muqdisho.

Shacabka Soomaaliyed ee isticmaala Baraha Bulshada ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu dib xorriyadiisa ugu helay Fanaan Khadar Ibraahin Keeyow oo maalmo ku xirnaay dalka Itoobiya.

Xabsiyada Itoobiya ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan, kuwaasi oo aysan jirin cid u doodeysa, maadaama qaarkood sharcidaro ay isaga xiran yihiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...