Friday, June 19, 2026
27.6 C
Mogadishu

AKHRISO: Guddiga Farsamada Galmudug oo Aqoonsaday 20-ka Xildhibaan ee Ahlu Sunna la siiyay

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga Farsamada ee maamulka Galmudug ayaa Jimcihii maanta si rasmi ah u xaqiijiyeen inay diiwaan-geliyeen labaatankii xubnood ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe laga siiyay Baarlamaanka Galmudug.

Guddiga Farsamada Maamul u samaynta Galmudug ayaa aqbalay liiska Xildhibaanada ugu horereya ee Galmudug, oo ay soo gudbiyeen Ahlu Sunna Waljamaaca.

Qoraal uu soo saaray guddiga farsamada ayuu ku sheegay in xubnaha ay soo gudbisay Ahlu Sunna u aqoonsadeen inay yihiin Xildhibaanadii ugu horreeyay ee ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Xildhibaanada Ahlu Sunna ayaan wax saamayn ah ku yeelan doonin kow iyo tobanka shuruud ee laga doonayo shakhsiyaadka doonaya inay ka midka noqdaan Baarlamaanka xigga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...