Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: DF Somaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamtay hadal ka soo yeeray Hay’ado Caalami ah.

Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda ay ka xun tahay hadal ka soo yeeray hay‘addaha Bisha Cas, kaasi oo ah Qaraxii Ex-control Afgooye inuu ahaa iska hor imaad u dhaxeeyay dhinacyada Soomaaliya isku hayo.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga xun tahay Warka ka soo Baxay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC & SRCS) Soomaaliya, oo weerarkii iyo Xasuuqii 28 Dec 2019 Argagixisadu ku soo qaaday shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.

Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay.

Hay’adaha ICRC iyo SRCS iyo hay’adaha lamidka ah waxaan usoo jeedineynaa inay kala saaraan Ereyada dhiirrigelinta u ah Argagixisada iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca, maxaa yeelay hadalka Kasoo baxay labadaas hay’adood wuxuu marin habaabin ku sameynayaa muuqaalkii uu lahaa Weerarkii Argagixiso ee 28/12/2019,

Labada Hay’adood aan kor ku soo sheegnay iyo kuwa la midka ah ee ka hawlgala Soomaaliya Waxaan la socodsiinaynaa in Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan Argagixiso duullaan ku ah Dadkooda, Dalkooda iyo Diintooda.

Sidaas daraadeedna ay xadgudub tahay in argagixiso u taagan xasuuqa shacabka la barbar dhigo Dawladda Soomaaliya oo ficilla dooda loo yeelo waji wanaagsan.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa waxay soo dhaweyneysay War-Murtiyeedkii Kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo 30-kii Dec. 2019 Kulan dag dag ah ka Yeeshay Weerarkii Argagixisada Al-Shabaab ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu laayay Dad Shacab ah oo aan waxba galaybsan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...