Friday, May 1, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Cuba oo arrin muhiim ah khadka taleefanka kagala hadlay dhiggiisa Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta! (Maxa cusub?)

Miguel Díaz-Canel/Photo: Google

Cuba (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Díaz-Canel, ayaa sheegay wada hadal qadka taleefoonka inuu kula yeeshay Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Miguel Díaz-Canel, ayaa si wayn uga walaacsan xaaladda ay ku sugan yihiin dhaqaatiir u dhalatay dalkaasi oo Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Qoraal uu ku daabacay Boggiisa Twitterka Maanta oo Talaado ah waxaa uu ku sheegay in labada Madaxweyne uu ka wareystay xaaladda ay ku sugan yihiin Dhaqaatiirta labada ah ee u dhashay Dalka Cuba kuwaas oo laga qafaashay gudaha Kenya laguna hayo gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Cuba Miguel Díaz-Canel, ayaa hadalkiisa ku daray in labada Madaxweyne uu kala hadlay sidii labadaas dhaqtar iyaga oo badqaba ay dib ugu laaban lahaayeen dalalkooda.

Dhaqaatiirtaasi u dhalatay dalka Cuba, ayaa laga afduubtay aaga Magaaalada Mandhera Bishii April ee sanadkaan.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhaqaatiirtaasi gacanta ku haayo, ayaa waxa ay dalbadeen madax furasho sida laga soo xigtay Odayaasha Gobolka Waqooyi Bari oo Shabaah wada hadalka dhaqaatiirtaan ugu tagay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...