Monday, May 4, 2026
28.4 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Dagaalka Ayaxa iyo beeraleyda oo ku fiday degmada Tiyeeglow ee G/Bakool

Tiyeeglow (Halqaran.com) – Waa tiro sawirraan ah oo muujinaya Ayax tiro badan oo raxan raxan u socda, kuna duldegay beeraha Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.

Ka hor inta aanu Ayaxu ku degan beerahaasi ayaa waxay beeraleydu bilaabeen inay la dagaalamaan, si aanay cagta u marin tacabkii ka galay dhul beereedyadooda.

Beeraleyda ayaa ciid iyo ulaba kula dagaalamay Ayaxa, balse taasi kama aanay hor istaagin duulaankii ay ugu soo bareereen inay ku quutaan dalaga beerahooda.

Dhinaca Bartamaha Soomaaliya Ayaxa ayaa si saf mareen ah cagta u mariyay beeraha Gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo hadda oo uu dhibaato baahsan ku hayo beeraha Gobolka Shabellaha Dhexe.

Maalmaha soo socda ayaa la fillayaa in duulaanka Ayaxa uu ku fido beeraha salka isku wada haya ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo ay suurtagal tahay inuu uga sii tallaabo beeraha dhirirsan ee Gobolka Baay.

Walwalka ugu xoogan ee ay iminka qabaan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ah in Ayaxa uu baabi’iyo beeraha saltaabashada leh ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dadaal kastaa oo ay beeraleyda sameyso ayaa wuxuu noqdaa hal bacaad lagu lisay, haddii aanay beeraleydu haysan sunta Ayaxa looga hortaggo.

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa waxaa lagu dhaliilay inaanay beeraleyda ka talo siinin habka makaanikaalka ah ee lagu dabar-jaro Ayaxa.

Si weerarka maqiiqa ku saleysan ee Ayaxa looga weeciyo beeraha Gobolada Koonfurta ayaa waxaa la leeyahay waa ay adkaan doontaa, waa haddii aysan wax mucjiso ahi dhicin.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Arbacadii Magaalada Muqdisho ka sheegay in duulaanka Ayaxa uu ku soo beegmayo, xilli beeraleyda Soomaaliyeed ay isu diyaarineysay inay dhawaan gurtaan, wixii ay tacbeen billihii ugu dambeeyay.

Wax soo saarka beeraha ayaa lafdhabar u ah dhaqaalaha dalka, marka laga soo taggo dhoofinta xoolaha nool.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...