Monday, April 27, 2026
27.9 C
Mogadishu

Ardaygii ugu horreeyay oo SOOMAALI ah oo Master ka qaatay Kuliyadda Ganacsiga ee Jaamacadda Azhar +(SAWIRRO)

Qaahira (Halqaran.com) – Cusmaan Qaasim Mursal oo ah Aqoon yahan Soomaaliyeed ayaa noqday Cilmi-baarihi ugu horeeyey oo Soomaali ah Islamarkaana Afrikaan ah oo ka Master ka qaata kuliyadda Ganacsiga gaar ahaan Qaybta dhaqaalaha ee Jaamacadda Faca-weyn ee Azhar.

Kuliyayada Ganacsiga ee Jaamacadda Azhar oo la aas-aasay 1960, waxaa horay Master iyo PHD ka qaadan jiray kaliya Ardayda Carabta sida Masaarida, Falastiin iyo dalal kale oo carbeed, sidaas darteed Cilmi-baare Osmaan Qaasim Mursal waxaa lagu tilmaami karaa Aqoon yahan Sharaf u soo hooyay guud ahaan Ardayda Afrikaanka, gaar ahaan Ardaya Soomaaliyeed.

Cilmi-baare Osmaan Qaasim waxa uu Buuga Master-ka ka qoray “Caqabadaha ku horgudban horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida looga faaideysan karo khibradda horumarineed ee Shiinaha” Waxaana mushrif ka ahaa hormuudka kuliyada Ganacsiga Azhar Professor Mohamed Yunus Abdilhalim.

Qimeynta ama Niqaashka oo ka dhacaday isla Jaamacada Azhar waxaa goob-joog ka ahaa Ibrahim Dalxa oo ka socday qaybta dhaqanka iyo waxbarashada ee Safaaradda Soomaaliyeed, iyo Bashiir Maxbub oo ka tirsan Waaxda Ganacsiga ee Safaaradda iyo dad badan oo isugu jira Ardayda iyo qaybaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar.

Jawiga guud ee kulliyada Ganacsiga Azhar maanta wuxu aha jawi farxadeed maadama Markii ugu horeysay arday aan Masaari ama Carab ahayn ka qalin jabinayay qaybta waxbarashada sare ee kuliyaddaas.

Ardayda Afrikaanta iyo guud ahaan Soomaalida ayaa Cilmi-baare Osmaan Qaasim Mursal ugu hambalyeeyay Guusha u soo hooyay guud ahaan magaca Qaaradda Afrika.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...