Monday, May 4, 2026
28.7 C
Mogadishu

Wasiir Amniga Soomaaliya oo aad u boggaadiyay ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo ka hadlayay munaasabadda xuska 76 guurada ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidanka ku booriyay inay laba jibaaraan u adeegidda shacabka.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay ku guuleysteen ka hortagga falal badan oo ay Al-Shabaab dooneysay inay ku dhibaataan shacabka, isagoo bogaadiyay sida ay ciidanka u gudanayaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

“Waxaan boggaadinayaa xilkasnimada, daacadnimada iyo gudashada waajibaadka idinka saaran howsha la idin igmaday, ciidamada booliska ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qaraxyo ay maleegayeen argagixisada Al-Shabaab, Wasaaradda Amniga waxaa ka go’an horumarinta iyo kobcinta aqoonta ciidanka booliska, si ay u gutaan waajibaadka loo xilsaaray.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay u kuurgelidda xaaladda dhabta ah ee uu ku suganyahay ciidanka booliska.

“Waxaa noo soo dhameystirmay wajiga labaad ee baaritaanka u kuurgalka marxaladaha booliska, waxaana noo soo baxday in ciidanku ay u baahanyihiin kobcin dhankasta ah, waxaa kaloo noo soo baxay inay lagama mar maarntahay casriyeynta booliska Soomaaliyeed si ay ula jaanqaadaan booliska adduunka, sida ka hortagga argagixisada, muqaadaraadka iyo tahriibka.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Amniga Somaliya ayaa faray Ciidanka Booliska inay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...