Sunday, April 19, 2026
29 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxweynaha HirShabeelle ‘Waare‘ oo ka digay in qalalaaso ay ka dhalato doorashada maamulka Galmudug!

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka HirShabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay howlaha dhismaha Galmudug oo ay dowladda Soomaaliya ka wado Magaalada Dhuusamareeb, isaga oo ka digey in doorasho khalalaaso keenta ay ka dhacdo Galmudug.

Mr. Waare ayaa sheegay in waqti badan ay qaadatay in Maamul loo dhan yahay laga dhiso deegaannada Galmudug, hayeeshee ay muhiimn tahay in la dhiso doorasho loo dhan yahay oo aan dhibaato ka dhalan lana musuq maasuqin.

“Maamulka nala deriska ah ee Galmudug dhismihiisa foosha ayaa ku daahday tusaalaha koonfur Galbeed qaata, waxaana leeyahay dowladda halkaas yeysan ka dhicin doorasho khalalaaso ka dhasha oo la isku fahmi waayo‘‘, ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka in Maamul Goboleedyada wadashaqyenta la leh ee Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo kale uu noqdo Maamulka loo dhisayo Galmudug si uu u dareemo dowladnimada.

Maxamed Cabdi Waare ayaa hadalkaan waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay sanad-guuradii 1aad ee markii loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Laftagareen oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Halka hoose ka dhageyso Codka Madaxweynaha HirShabeelle Waare:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...